Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) ayaa maanta qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo xaalada siyasadeed ee dalka
Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland, ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay diirada ku sareen kulankooda arrimaha amniga, xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mudnaanta amniga si loo helo xasiloonida geedi-socodka siyasaadeed ee Soomaaliya.
Kulanka dhex-maray ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa imaanaya xili xiisada siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel cakiran, isla markaana aysan muuqan in mucaaradka iyo dowladda dhexe ay markale miiska wada-hadalka isugu imaan doonaan si ay xal uga gareen arrimaha laisku hayo ee nooca doorashada ee ka dhaceysa dalka.

Leave a Reply