Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

Mariupol (Raxanreeb) — Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi Axadda maanta ah, waana markii ugu horreysay ee uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer oo ay go’doomiyeen billowgii weerarka Moscow ee Ukraine sannadkii hore bishii February.

Safarka Putin ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday.

Wakaalada wararka ee TASS, ayaa sheegtay in Putin Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay gaari.

Goobo dhowr ah ayuu booqday oo uu la hadlay dadka deegaanka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan dib u dhiska magaaladani.