Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya qarax miino oo khasaaro kala duwan geystay oo maanta ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Goob jogayaal kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaari ay wateen ciidanka dowladda, isla markaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay hal ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen askartii gaariga la socotay, isla markaana loo qaaday mid kamid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Waxaa muddo kooban istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka Isgooyska SOS, iyado howlgalka kaddib ay ciidanka dib u fureen wadada.
Weli laamaha amniga kama aysan hadlin cida ka dambeysay qaraxa iyo haddii ay dad u soo qabteen.
Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro ka geysta caasimada Muqdisho iyo gobollada Dalka.

Leave a Reply