Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheeyn ku sameeyey golahiisa wasiirada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandheeyn kooban ku sameeyay xubno kamid ah golahiisa wasiirada.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa warbaahinta u akhriyay isku shaandheeynta uu sameeyey Ra’iisul wasaaraha, taasi oo sameeyn ku yeelatay xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad iyo wasaaradaha Gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ahaa wasiirka Gaashaandhigga, ayaa loo magacaabay Ra’iisul wasaare ku-xigeen, waxa uuna badalay Cabdisalaan Dhaay oo asna loo dhiibay wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Sido kale Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa laga dhigay wasiirka Gaashaandhigga, waxa uuna badalay Jibriil Cabdirashiid oo muddo kooban yahay wasaaradda Gaashaandhigga.

Isku shaandheeynta uu sameeyey Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa soo baxday maalmo ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published.