Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay wefdi ka socda dowladda Ruushka

Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay wefdi ka socda dowladda Ruushka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ahna Ergeyga madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Afrika iyo geeska Afrika Mikhail Bagdonov.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo labada dhinac isla garteen in ay iska kaashadaan horumarinta danaha labada dowladood.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, ayaa madaxweynaha u gudbiyay casuumaad rasmi ah oo uga timid madaxweynaha Ruusha Putin, taasi oo ku saabsan ka qeyb galka shirka Ururka Jaamacadda Carabta iyo madaxda Ruushka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay xoojin laheyd xiriirka kala dhaxeeya dalka Ruushka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.