Ra’isulwasaare ku-xigeenka oo daah furay mashruuca Nagaad

Ra’isulwasaare ku-xigeenka oo daah furay mashruuca Nagaad

Muqdisho (Raxanreeb) — Maanta waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Mashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka Banaadir.

Mashruucan ayaa maanta waxaa daahfuray ra’isulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, iyadoo laga daah-furay xarunta gobolka Banaadir, isagoo wax badan ka baddeli doona xilliyada roobabka da’aan oo waddooyinka intooda badan go’aan.

Saalax Axmed Jaamac, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doono sidii xal-waara loogu heli lahaa Arrimaha Bulaacadaha iyo biyo mareennada caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay mashruucan ayaa shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir, ay horutabin u leedahay xal u helidda biyo mareennada caasimada, isagoona sheegay in si wanaagsan uga faa’iideysan doonaan mashruucan, oo lagu magacaabo Nagaad kaas oo iska kaashanaya UNOPS, iyo Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale, oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doono dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareennada magaalada Muqdisho kaas oo hadda lagu dhibban yahay.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Agaasimaha hay’adda UNOPS, u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova.

Sidoo kale waxaa isna goobjoog ka ahaa Maxamed Nuur Xasan, oo ah, Agaasimaha guud ee mashruuca Nagaad, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay munaasabaddaasi.

Mashruucan ayaa wax badan ka baddeli haddii loo maareeyo sida saxda ah, oo aan la musuq maasuqin, iyadoo haatan caasimada ay ka taagan tahay xaalado biyo fadhiisin iyo dhiiqo ah, iyadoo waddooyinka ay fadhiistaan biyo badan oo isaga imaada degmooyinka qaar walow mararka qaar hakad galo isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Waddooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayay wadooyinka qaar.

Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn ka socota baraha bulshada.