Kismaayo (Raxanreeb) — Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa kulan la qaatat golaha wasiirrada maamulka Jubbaland, magaalada Kismaayo kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xaaladda binia’aadannimo ee ka jirta deegaannada Jubbaland.
Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab, wojigiisa labaad kaasoo dhowaan lagu wado in uu ka billowdo deegaannada Jubbaland.
Xamsa, ayaa golaha wasiirrada maamulka Jubbaland, uga warbixiyay daneeynta iyo kala hurumarinta muhiimka ugu ah, xukuumaddiisa Dan Qaran.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay qodobada xukuumaddiisa horyaalla wax ka qabadka Isbaddellada Cimillada, oo uu sabab ugu dhigay in dalka mar kasta uu ahaado Abaar daran iyo Fatahaado xooggan.
Mudane Xamsa, ayaa sheegay mashaariicda hurumarineed ee dowladda dhexe ay u haayso dhammaan maamul goboleedyada dalka, gaar maamulka Jubbaland oo uu ka daahfuray.
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in uu Jubbaland ka dhagax dhigay goobo mashaariic horumarineed ah, halka ay waddada kusoo jiraan kuwoo kale.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in wasiir kasta iyo masu’ul kasta ay waajib ku tahay in uu kaalin xooggan ka qaato la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kaas oo gobollada qaar ka socda.
Ra’iisulwasaaraha ayaa magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbaland, ka sheegay in uu dhowaan ka billaaban doono wojiga labaad dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab, deegaannada maamulka Jubbaland.
Xamsa Cabdi, ayaa Kismaayo u tagay dhowr arrimood oo ugu xoogganaayeen fatahaadda xooggan ee ku dhufatay deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay dad badani barakaceen, tan kale wojiga labaad iyo abaabulkiisa dagaalka ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab.