RW Xamsa oo kulan looga hadlay arrimo kala duwan la qaatay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo

Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay  magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonid dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Garaadada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.