RW Xamsa ““Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada, iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahayn, balse ficil. Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababaro ciidamo booliis ah, la horumariyo iskuullada, iyo in la taageero beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul  Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhisidda iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay in shirkii 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ay kasoo baxeen go’aammo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.