Sacuudi Carabiya, Masar iyo Soomaaliya oo yeelanaya isbahaysi Milatari

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Soomaaliya oo yeelanaya isbahaysi Milatari

Riyadh ( Raxanreeb Online) Sida ay daabacday mareegta Blooberg Sacuudi Carabiya ayaa gabagabaynaysa heshiis cusub oo ku saabsan isbahaysi milatari oo ay la yeelanayso Soomaaliya iyo Masar, qayb ka mid ah dadaalkeeda ‘’lagu xakameynayo saameynta Imaaraadka Carabta ee gobolka’’ ayaa lagu yiri.

Qoraalka Bloomber ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan u safraya Sacuudi Carabiya si uu u dhammeystiro heshiiska, kaasoo ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ammaanka Badda Cas iyo sidoo kale wada shaqeyn milatari oo qoto dheer, sida ay sheegeen’ laba qof oo xog ogaal ah’

Toddobaadkan, Soomaaliya waxay laashay heshiisyadii ammaanka iyo dekedaha ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay dalka Gacanka inuu xadgudub ku sameeyay madaxbannaanideeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.