Safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya ”Dagaaalka Ruushka ee Ukraine wuxu saameeyay Soomaaliya”

Safaaradda  Mareynkanka ee Soomaaliya ”Dagaaalka  Ruushka ee Ukraine wuxu saameeyay Soomaaliya”

Muqdisho (Raxanreeb)War qoraal ah oo ka soo baxay Safaarada Mareynkanka ee Soomaaliya ayaa eedeyn kulul loogu jeediyay Dowladda Ruushka weerarkii uu ku qaaday Ukraine

Safaaradda ayaa sheegtay in duulankaas Ruush-ka uu keenay in nolosha dad badan oo Soomaaliyeed dhibaato ay soo gaarto sida lagu yiri warka safaaradda ka soo baxay.

“Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushku ee ka dhanka ah Ukraine ayaa saameynta xun ee abaarata ka jirta Soomaaliya ka dhigay mid kasii darran,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Qoraal lagu baahiyay barta twitterka Safaaradda Maraynka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sara u kaca qamadiga uu keenay in macluul ay ka dilaacdo meelo badan oo wadamada gobolka ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

“Iskaashiga hay’adda USAID kala dhaxeeya hay’adda WFP ayaa maal-gelinaya soo dhoofinta iyo keydinta qamadiga Ukraine oo caawinaya jawaabaha bani’aadaminimo ee ku wajahan malaayiin qof oo halis ugu jira macluul.”

dhawr jeer oo hore ayaa Dowladda Ruushka waxaa loogu eedeyay inuu duqeeyey dekedaha dalka Ukraine ee qamadiga laga soo dhoofin jiray , kaas oo qayb ka mid ah soo gaari jiray Soomaaliya

Si la mid ah xayiraada dhanka gaadiidka iyo badda ah ee la saaray ayaa keentay hakado haruurkii ka iman jiray Ukraine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.