Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u anba baxay Garowe

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u anba baxay Garowe

Muqdisho (Raxanreeb) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Garoowe waxa ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda maamulkaas , si loo dhameeyo tabashooyinka ay qabto Puntland.Qaban- qaabada soo dhawaynta ayaa ka jirta magaalada Garoowe , halkaas oo ay ku sugan yihiin wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu xooga saaro , sidii loo qancin lahaa Mamulka Puntland , oo tabashooyinka ka qabta Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Waddooyinka ayaa saakay xirnaa inkabadan saacad ayadoo aad loogu dhibbanaa isku socodka gaadidka inta badan dadka ayaa ka degayay gawaarida dad weynaha iyo Bajaajta ayadoona ay lugeynayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.