Askar ka tirsaN ATMIS oo lagu dilay Sh. Hoose

Askar ka tirsaN ATMIS oo lagu dilay Sh. Hoose

Baraawe(Raxanreeb)Dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya ATMIS iyo Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Buulo-colow hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad ku sugan magaalada Baroowe ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalkan uu socday muddo saacadaha , isla markaana dhawaqa rasaasta labada dhinac ay ka maqlayeen magaalada Baraawe.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degaanka Buulo colow sida ay sheegeen dadka degaanka.

Bar Al- Shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku qaadeen ciidanka ATMIS ay ku dileen sida ay warka u dhigeen ilaa 8 askari , guuln ay ka gareen weerarkaas.

Saraakisha Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalka & Warka kasoo baxay Al-Shabaab ee weerarka ku egaysiiyay xarunta ay ku leeyihiin degaanka Buulo-colow hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waa dagaalkii labaad oo Al – Shabaab ay ku qaadaan degaankaas , todobaad gudahiisa sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan halkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.