Safiirka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah u gudbiyey nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo, waxaana ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, , Jeyhun Bayramov.
Munaasabadda waraaqaha looga guddoomay safiirka ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan, halkaas oo Wasiirka iyo Safiirka ay ku yeesheen kulan isbarasho iyagaoona ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga Caalamiga.
Ugu dambayn, Safiirka ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqeynta miro-dhalka ah ee ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

Leave a Reply