Sawirro: gacan ku dhiigle ay Interpol soo qabatay oo Garowe laga dajiyay

Sawirro: gacan ku dhiigle ay Interpol soo qabatay oo Garowe laga dajiyay

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Garowe ka dajiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin kahor ciidanka booliska caalamiga ee Interpol, ay kasoo qabteen dalka Kenya.

Ciidanka Booliska qeybtooda dibadda ayaa Interpol, ayaa maanta magaalda Muqdisho, ka qaaday eedeysanaha oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax, 17/05/2024, sannadkan, isagoo horey xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, Waaran soo qabasho ah u jaray.

Ciidanka booliska ayaa maanta laamaha amniga ee qeeybta gobolka Nugaal ku wareejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise, si loogu maxkamadeeyo halkaasi.

Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in ninkani uu ka gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya isagoona isticmaalayay magacyo been abuur ah, iyaga ay u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah, ee Interpol iyagoona ugu danbeen u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan.

“Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

“Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan” ayaa lagu yiri markale.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in ninkani inta aan lasoo qaban eedeysanaha 21-06-2024 uu tagay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah, ama (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali, kaas oo aan ahayn magaciisa rasmiga ah, uu yahay Maxamed Cumar Ciise.

Qoraalka uu booliska shalay soo saaray ayaa lagu yiri sida tan, “Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho, saakana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo cadaaladda,”.