Sawirro: Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka oo gaaray Baydhabo

Sawirro: Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb) — Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’isulwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Sidoo kale Wafdiga ayaa ku wehlinayeen Gudiga Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay sidoo kale uga warbixiyeen ra’isulwasaare ku xigeenka sida ay u saameeyeen fatahaadda xooggan ee ku dhufatay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, iyo dedaallada hadda socda ee loogu gurmanayo dadka fatahaaddu, dhibaateysay.

Mudane Saalax, iyo Hay’adaha Wafdifa ku wehlinaya ayaa sheegay imaanshahooda inuu yahay sida ay garab istaag iyo gargaar ay usoo gaarsiin lahaan deegaannada fatahaada ka dhacay inay tahay.

Sidoo kale booqasha Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadeysa xilli ay jirto fatahaado xooggan oo ku dhuftay gobollada dalka intooda badan kuwaas dhibaato xooggan ay ka dhalatay oo dad badan ay ka barakaceen deegaannadooda.