Sawirro: SoDMA oo Gobolka Banaadir ku wareejisay gargaar dhan 3,800 oo tan

Sawirro: SoDMA oo Gobolka Banaadir ku wareejisay gargaar dhan 3,800 oo tan

Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Maaraynta iyo Musiibooyinka Qaranka SoDMA, ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir, ku wareejisay gargaar dhan 3,800 oo tan oo u dhiganta deeq gaari karta 150 kun qoys sida uu sheegay Guddoomiyaha hay’addaasi ee Maxamuud Macallin Cabdulle.

Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, oo la wareegay kaalmadaan ayaa sheegay in deeqdaan loo qaybinayo qoysaska danta yar ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in ay ka go’antahay samatabixinta qoysaska saameeynta ba’an ku yeeshay xaaladaha is xig xiga ee dalka ka dhacay abaaraha ba’an iyo xaaladda fatahaadaha.

SoDMA, ayaa ah, hay’ad Dowladda Federaalka Soomaaliya, u qaabilsan Arrimaha Musiibooyinka, iyadoona bixiso digniino ka imaan kara khataraha markaasi jira.

Soomaaliya, ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka jirtay abaaro ba’an kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan kum dad iyo duunyo ah.

Sidoo kale sannadkan ayaa jirtay dabeesha Èĺńíñò, iyadana taasoo sababtay roobab mahiigaan ah, iyo fatahaado ku dhuftay gobollada dalka intiisa badan.