Sheekooyinka -ku Jira Shirka Muqdisho ” Shalay & Maanta” isku ekaa.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka socda maalintii labaad Shirka maamul goboleedyada iyo Dowladda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya , shirkan waxaa codsaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo culays xilligan uu saaran yahay.

Shirkan waxaa ka gadoodsan oo aan imaan miiska wada- hadalka Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe ay isku soo mari waayeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni aalada fogaan araga ayuu kaga qayb galay , taas oo dhalisay , hadal – hayn ku saabsan hadal mar uu ku daray saxiibkii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo aad ugu dhawaa Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu Yiri Deni.

” Markii aan Madaxwaynaha iyo Dowladaha aan isla hadalnay oo shirkaas isugu imaano , waxaa jira Dowladii way joojisay international way og yihiin madaxwayne qoor qoor inta lala hadlay isagoo xamar joogo la dhahay Galmudug tag ZOOM-ka ka soo galo hada Xamar ayuu joogo anagana ha imaanin ”

Talaabadan uu qaaday Saciid Deni ayaa loo fasiray heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka kala dhaxeeya Puntland Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud taas oo keentay in ZOOM-ka kaga soo qayb galo.

Intaas waa qayb ka mid ah Khilaafkii Dowladdii Farmaajo kala dhaxeeyay madaxda Dowlad goboleedyada dalka sida Jubbaland iyo Puntland oo ka mid ah maamulada ugu waa waynaa ee aadka u diidinaa nidaamkii Farmaajo ee looga adkaatay doorashadii dalka ka dhacday.

Waxaa laga soo xigtay Madaxda Maamul-goboleedyada in qaarkood ay goobta ka ballan qaadeen inay la shaqeyn doonaan DF, halka xubnaha kale ay dhankooda ballan qaadin inay la shaqeyn doonaan Madaxda dowladda iyo in kale.

Talaadan ayaa muujinaysa sida maamul goboleedyada ugu kala qaybsan yihiin la shaqaynt Dowladda Federaalka waxaana la leeyahay waa wadaddii hore ee Dowladii Farmaajo oo maamulada sidan ay kala jabsanayeen kuwana Dowladda u dhawaa ku kalena ay kala fogaayeen.

Markii uu xukunka dalka dib ula wareegay Xasan Sheekh waxaa xumaaday oo goostay xiriirka DFS iyo maamul goboleedyada shanta hoggaamiye ee Dowlad goboleed midna xiriir gaar ah oo wanaagsan lama laha dowladda Dhexe ee Federalka.

Waxaa adag in dhinayadu ay ku heshiiyaan, hannaankii loo wadaagi lahaa deeqaha caalamka ka imanaya, xilli maamulladu ay doonayaan in ka badan lacagaha ay dowladdu u qorsheysay.

WQ. Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.