Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxtooyada Soomaaliya oo maalmahan ay ka socdeen kulamo la xiriira qancinata mid ka mid ah beelaha diidanaa maamulka Gobolka Banaadir ayaa la soo gaba- gabeeyay.
RBC oo hore u baahisay kulamada in natiijo wanaagsan laga gaaray ayaa hadda waxaa muuqanaya in la soo gaba- gabeeyay oo la isku raacay qodobo dhawr ah.
Shirkan gaba gabadiisa waxaa ka qayb galay odayaasha dhaqanka Beeshaas iyo saraakiishooda kuwaas oo ka gadoodsanaa magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Dhinacyada ayaa isku afgartay in la tageero Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo markii horeba ka biloday khilaafka dowladda iyo beesha oo ka mid ah kuwa dega magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay magacaabista Guddoomiayaha Gobolka Banaadir iyo balankii uu ugu baaqay beeshan oo doonaysay in la siiyo xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Labada dhinac ayaa isku meel muhiimada ay leedahay in la helo jawi nabad galyo oo lagula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma xil kale miyaa loo balanqaaday Beeshii diidanayd Yuusuf Madaalle ?

Leave a Reply