Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Hargeysa (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa, ee caasimada Somaliland, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan, ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Aw-barkhadle, kaddib markii uu sababay shilka labo gaari oo isku dhacday halkaasi.

Gawaaridan isku dhacday ayaa waday dad rakaab ah, halka ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday mid ka mid ah, Isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa, oo hadda lagu daaweynayo.

Ma jiro weli wax hadal ah, oo kasoo baxay Booliska Somaliland, oo ku saabsan dhacdadaasi, sababtay dhimasho iyo dhaawacyada.

Somaliland ayaa inta badan ka dhaca shilal gaari, waxaana badanaa ka dhasha khasaare kala duwna oo isugu jiro dhimasho dhaawac, iyo bur bur gawaarida.

Shilalka ayaa lagu sababeeyay tan wayn ee soo cel celisa shilalka gawaarida ayaa waxaa lagu sheegay darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Somaliland.