Baydhabo (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawishta, iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyadoo shirka diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada amni, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada guud ee deeganada koonfur galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen, ayaa faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, isla markaana la laba jibbaaro howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee guud iyo guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka shacabka ku nool guud ahaan deeganada koonfur galbeed.
shirka ayaa kusoo idlaaday go’aamo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo istaraatiijiyadda amniga iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply