Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo ay ubadantahay in lagu kala tago & Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo dib ugu laabanaayaa.

Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo ay ubadantahay in lagu kala tago & Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo dib ugu laabanaayaa.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa ubadan in lagu kala tago, kaddib markii madaxda shirka ka qeyb galeysa qaarkood isku fahmi waayeen qodobada qaar ee shirka diirada lagu saarayay.

Shirka oo aheyd in mar hore gaba-gabeeyo ayaa waxaa gabogabadiisa qaar iska diiday Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, iyadoo ay isku raaceen madaxda kale ee shirka qeybta ka aheyd.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in mar kale muddo kororsi hal sanno ah loo sameeyo madaxda dwlad goboleedyada uu ku jiro, waxa uuna ku adkeestay in muhiim tahay in dowlad goboleedyada ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo diidan in hal mar doorasho qof iyo cod ah la qabto sannadka dambe.

Waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe sheegay in dalka xilligan uusan u diyaarsaneyn in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna ku taliyay in mar kale teendhada la aado lagana fogaado muddo kororsi, uu sheegay in xiisad siyaasadeed iyo colaad abuuri karto.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland, ayaa sidoo kale ku adkeestay in aan la gaari karin go’aan doorasho oo rasmi ah , xilli ay shirka bannaanka ka joogaan dowlad goboleedka Puntland iyo maamulka Khaatumo, waxa uuna xusay in matelaada beesha Daarood badankeed bannaanka joogaan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe markii la diiday in la qaato tallooyinkiisa bannaanka uga baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana wararku sheegayaan in uu qorsheenayo in maanta dib ugu laabto magaalada Kismaayo.

Shirkan Gokaha Wadatashiga Qaran, ayaa haddii uu sidaan kusoo dhammaado laguna kala tago iyada oon go’aanno laga soo saarin , waxaa uu u muuqan doonaa in fashil kusoo dhammaan doono qorshihii Villa Soomaaliya ee aheyd in muddo kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, si rabitaankooda u hirgalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.