Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.
Shirkan oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaayo Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa tilmaamay in shirkaan lagu gaari doono go’aano muhiim u ah waxbarashada Soomaaliya.
“Hirshabeelle waxaa guul weyn u ah inay noqotay Dowlad-Goballeedkii ugu horeeyay ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya. Rejo weyn ayaan ka qabaa in shirkan laga soo saaro go’aano guul u ah waxbarashada Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Leave a Reply