Garoowe ( Raxanreeb Online) Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa dhaliil adag u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni.
Siyaasiga ayaa marka hore ka hadlay dib u laabashadiisa magaalada Garoowe iyo cabaqadihii kala duwnaa ee uu la kulmay. Waxa uu sheegay in hadda Puntland ay mareyso marxaladihii ugu xumaa inta ay jirto Puntland.
Waxa uu carabka ku dhuftay Xasan Abgaal, in Siciid Deni uu doonayo in uu laayo ragga siyaasiyiinta ah, ee ka aragti duwan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Siyaasi Xasan, ayaa sheegay in sababta ay dowladda ciidamada ugu qoreyneyso Puntland ay ku timid duruufo, isla markaana dastuurkii lagu heshiiyay ee 2012-kii uu dowladda federaalka awood u siinayo in ay ciidamo ka qoran karto deegaanada Puntland.
“Hadda ka hor aan sheegay labadii ciidan ee ugu muhiimsanaa Puntland oo dagaaladii taariikhiga ah ee Puntland soo maray ka qeyb qaatay. Siciid wuxuu ka joojiyay mishaarkii iyo raashiinkii, dowladda federaalka waxaa waajib ku ah ciidankasta oo awood leh oo reer Soomaaliyeed ah dhisto. Ciidamadas ayaa ugu horeeyay ee mishaar siiyay, hadana masiinin 8 bil ka badan ayey mishaar qaadanayaan, labadan ciidan wax dhib ah ma aysan sameeynin hadana ma sameynayaan” ayuu yiri siyaasi Xasan Shire Abgaal.
Waxa uu tilmaamay in dadka reer Puntland u sheegayo in ciidamadaas aysan duulaan ku aheyn Puntland dhibna aysan wadin.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in aan laisku qaldin dhaliilida Siciid Deni iyo Puntland jirtitaankeeda, waxa uu tilmaamay in Deni dabeecad xumadiisa uu ku duminayo Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasi Xasan Shire, ayaa hoosta ka xariiqay in Hoggaamiyaha Puntland Siciid Deni uu kasoo horjeedo dowladda federaalka, xiriirna la sameeyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho, waxa uuna xusay in si lamid ah ay Puntland ka jiraan siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka Puntland, isla markaana taageersan siyaasadda dowladda federaalka ee ah in dalka ka dhacdo doorashooyinka Qof iyo Cod.

Leave a Reply