Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta xabsi saddex sanno ku xukuntay Sacdiyo Macalin Cali ( Sacdiyo Bajaaj) oo muddo labo bil ka badan u xirneed dowladda Soomaaliya.
Sacdiyo Bajaaj, ayaa lagu eedeeyey in ay baraha bulshada ka aflagaadeysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo laamaha amniga ee Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed.
Kiiska Sacdiyo ayaa soo jiitamayay labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana dhowr mar ay kasoo muuqatay fadhiga maxkamadda gobolka Banaadir.
Sacdiy Bajaaj oo aheyd gabar ku shaqeysata gaadiidka loo yaqaan Bajaajta, ayaa kamid ah aheyd dadkii ka banaanbaxay isbadalka ku yimid qiimaha shidaalka ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply