Somaliland oo eedeeyn kulul u jeedisay dowladda federaalka

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in aragtida Dublamaasiyadeed ee madaxwaynaha Somailand uu ku hogaaminayo ay tahay in qadiyada Somaliland la geeyo miis kasta oo danta Somaliland ku jirto.

” Qadar waa dal in badan ku taamayey inuu dhiso dowlad soomaaliyeed balse ay hada u cadaatay inaan foosto dabla lasii dhaamin karin”, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

“Adduunyada aaminsan midnimada Soomaaliya ayaanu la hadleynaa, annaguna waxaan dooneynaa inaan u caddeyno in madax-bannaanida Somaliland aanay waxba u dhimayn danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed, balse ay wax badan u kordhinayso. Warka kasoo baxay dowladda Qatar waa mid diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiir Axmed.

Geesta kale Wasiirka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in safarka madaxwaynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminaya ay ku tageen dalka Qatar uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana waxa uu tilmaamay in kulamo la qaateen madaxda ugu saraysa dalkaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.