Hargeysa ( Raxanreeb Online) Maamulka Somaliland ayaa diyaarada Air Djabuuti, ka joojisay duulimaadyadkii ay hargeysa ku tagi jirtay, kaddib markii dowladda Jabuuti ay safka hore ka gashay dowladaha diiday aqoonsiga Somaliland.
Qoraal kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa warqad loogu diray shirkadda Air Djabuuti, laguna ogeeysiiyay wixii ka bilaawda 7-da Janaayo 2026, laga joojiyay duulimaadkii Hargeysa.
Diyaarada Air Djabuuti oo todobadkii 4 jeer u kala gooshi jirtay Hargeysa iyo dalka Jabuuti.
Ilaa hadda ma jiro war kazoo baxay dowladda Jabuuti iyo maamulka shirkadda Air Djabuuti oo ay ku faah faahinayaan warqada loo diray ee ku aadan in laga joojiyay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa.

Leave a Reply