Hargeysa (Raxanreeb) — Somaliland, ayaa soo saartay warsaxaafadeeed kuna canbaareysay weerar shalay ay kusoo qaadeen isbaheysyo xooggan oo ka kooban illaa iyo saddex xagal sida ay sheegeen kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buqdharkeyn, oo ku yaalla Gobolka Sool.
“Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland.
Somaliland, ayaa weerarkan ku eedeysay inay kusoo qaadeen kooxda Al-Shabaab, Puntland, iyo garaaddada Laascaanood, waa sida ay hadalka u dhigeen.
“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Somaliland ayaa isoo kale sheegtay in tani ay tahay isku dayo uu maamulka Puntnland uga leexinayo dadka shacabka indhahooda xaaladda doorshada la isku mari la’yahay ee ka taagay Puntland, gaar ahaan magaalada Garowe.
“Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland.
Somaliland, ayaa sheegtay cid kastoo isku dayda dhulkeeda in ay tallaabo ka qaadeeyso iyadoona sheegtay inay ka labalabeeyn doonin gardarro kasta oo dhinac kasta uga imaatay inay ka difaacan doonaan dhulkooda.
Buqdharkeyn, ma cadda dagaalka halkaasi ka dhacay shalay inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah, halka labada dhinac ay guulo kala sheeganayaan.
Maamulka SSC, ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed kaas oo ay yiraahdeen in ciidamada Somaliland ay weerar gaadmo ah, kusoo qaadeen.
“Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka,”
Dagaallada u dhaxeeya Somaliland iyo SSC, ayaa socda ku dhowaad sannad halka Somaliland laga qabsaday saldhigii ugu weeynaa ee ay aadka ugu xoogganaayeen deegaanka lagu magacaabo Goojacadde.