Somaliland oo waqti yar u qabatay in dadka Ajaanibta ah ay ka baxaan deegaanadeeda

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Somaliland ayaa amar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sharci ah oo sax ah ay Somaliland kaga baxaan muddo 10 maalmood gudahood ah.

Go’aankan ayaa loo sababeeyay walaac dhanka amniga ah iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo xasiloonida, iyadoo la eegayo isbaddallada xaaladeed ee gobolka ka dhashay.

Awaamiirtan oo uu ku dhawaaqay Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Axmed, ayaa lagu faray laamaha gargaarka iyo amniga inay aqoonsadaan isla markaana ay Somaliland ka saaraan ajaanibta aan sharciga haysan ee ku nool halkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta, ayna soo sheegaan dadka looga shakisan yahay inay si sharci-darro ah ugu sugan yihiin deegaanada Somaliland.

Masuuliyiinta ayaa tallaabadan ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga, xilli ay Somaliland hiigsanayso inay soo jiidato indhaha caalamka iyo maalgashiga shisheeye.

Axmed wuxuu sheegay in xiisaha sii kordhaya ee caalamku u hayo Somaliland iyo hawlaha maalgashadayaasha ee soo kordhaya ay lagama maarmaan ka dhigtay, in la adkeeyo tallaabooyinka amniga iyo in la ilaaliyo xasiloonida.

Xukuumadda Somaliland weli may soo saarin habka rasmiga ah ee amarkan loo fulin doono, mana cadeyn dadka ay saamaynta ugu weyni ku yeelan karto.

Deegaanada Soamliland waxa ku nool dad tiro badan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, oo ay ku jiraan bulsho ballaaran oo isugu jira kuwo isbedel nololeed raadinaya iyo qaxooti u badan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Tallabadan ayaa ku soo aaddaysa xilli ay jirto xasaasiyad xooggan oo ka taagan gobolka, iyo warar sheegaya in Israa’iil ay tiro yar oo milateri ah u soo dirtay Somaliland horraantii sannadkan, inkastoo ilaa iyo hadda arrintaasi si dhab ah loo xaqiijin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.