Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso Isfahamka dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyada oo timaamtay in ay u aragto tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna xoojinaayo wadahadallada, laguna adkeynayo xasilloonida gobolka.
Dowladda ayaa sheegtay in ku bogaadinayso labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si loo dhimo xiisadaha, loona horumariyo nabadda.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya, ayaa xustay in ay bogaadinayso dadaallada wax ku-oolka ah ee dowladaha Pakistan, Qatar, Masar Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Türkiye ee taageeray horumarkan diblomaasiyadeed.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale tilmaamtay in ay u aqoonsan tahay doorka muhiimka ah iyo dadaallada Madaxweyne Donald J. Trump ee lagu hormarinayo nabadda.
“Soomaaliya waxay rajaynaysaa in isfahamkan lagu dhaqangeliyo niyad wanaagsan, islamarkaana uu gacan ka geysto ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda maraakiibta iyo isu socodka badda, iyo ka hortagga sii kordhista xiisadaha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika, iyo gobolka Badda Cas.

Leave a Reply