Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika kala hadashay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Soomaaliya, Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Marwo Sylvie Baïpo-Temon, intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta mudnaanta Midowga Afrika, adkaynta nabadda iyo amniga gobolka, iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada horumarinta.

Marwo Sylvie Baïpo-Temon ayaa dib u xaqiijisay taageerada hagar la’aanta ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ay u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xornimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in ixtiraamka mabaadi’daas uu saldhig u yahay xasilloonida gobolka iyo ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday guul iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyagoo sii wadi doona wada hadallada iyo iskaashiga dhow ee ay ka yeeshaan Midowga Afrika iyo fagaarayaasha kale ee caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.