Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in wax howlgal ah ay dowladda federaalka ka wadin dhinaca Puntland, waxa uuna ku baaqay in la sii adkeeyo nabadda labada dhinac.
“Waxa ay ahayd magaalo aanu dagaal ka dhcin 8 sano ee la soo dhaafay, waxana colaad ugu dambaysay kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri wasiir Fiqi.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in magaaladan waxa xiisadda ka abuuraya ay yihiin mucaaridka Puntland oo fadhiisimo ka samaystay meelo ka mid ah magaalada iyo agagaarkeedam.
Waxa uu beeniyay wasiir Fiqi, in xubnahaas wax taakulo iyo saanad ka heleen dhinaca dowadda federaalka, isla markaana loo soo dhex mariyo Galmudug.
Magaalada Gaalkacayo oo ah magaalo ay ka wadataliyaan Galmudug iyo Puntland waana xarunta gobolka Mudug,waxana marta xuduudka maamuullada Puntland iyo Galmudug.
Geesta kale Xukuumadda Puntland oo dhawaan la wareegtay hub ay gobolka bari ku haysteen ciidan ka amar qaata dawladda federlaalka ayaa hadda doonaysa in ay sifayso dhammaan ciidankasta oo ay u tuhmayso in ay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka.

Leave a Reply