Soomaaliya iyo Japan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka labada Dal.

Soomaaliya iyo Japan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka labada Dal.

Tunis (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, iyadoo lagu wado in maanta galinka dambe laoo gabagabeeyo war-murtiyeen laga soo saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.