CiidankaTigray oo la wareegay magaalo muhiim u ah Dowladda Itoobiya.

CiidankaTigray  oo la wareegay magaalo muhiim u ah Dowladda Itoobiya.

Makele (Raxanreeb ) Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in mar kale dagaal uu ka soo cusboonaday waqooyiga dalkaas kaas oo u dhaxeeya ciidanka Tigreega iyo kuwa Dowladda Itoobiya.

Dhawr goobood ayay ciidanka ay isaga hor yimaadeen oo waqooyiga dalka Itoobiya , oo markii dambe sababtay in ciidanka dowlada laga dhaqaajiyo magaalooyin muhiim ah

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Kobo oo katirsan gobolka Amhaarada, halkaas oo muhiim ah ah Dowladda .

Hore ciidanka Federaalka itoobiya ayaa isaga baxay magaalooyin muhiin ah oo dhaca waqooyinka dalkaas kuwaas oo hada ay maamulaan ciidanka Tigreega ee ka soo horjeeda Dowladda Itoobiya.

Saraakiilu hadashay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda isaga baxaan magaalada si loo yareeyo khasaaraha, waxa ayna sheegeen in kooxda TPLF weeraro dhawr jiho ah kusoo qaadeem magaalada.

Kooxda TPLF, Getachew Reda wuxuu maalintii Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka Tigray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.