SSC-Khaatumo oo Puntland uga digtay muran dhul, wacadna ku maray inay difaaci doonto dhulkeeda.

SSC-Khaatumo oo Puntland uga digtay muran dhul, wacadna ku maray inay difaaci doonto dhulkeeda.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland inay ku soo xad-gudbeen dhul ay leeyihiin, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah mas’uuliyadda ka saaran maamulka.

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Talaadadii wuxuu kaga hadlay sheegashada Puntland ee ku aadan deegaamada SSC-Khaatumo. “Ma ahan wax la aqbali karo in dalka aan deriska nahay ee Puntland ay sheegato qeyb ka mid ah dhulka ay maamusho SSC-Khaatumo, taasi waa xad gudub cad, waxaana uga dignay maamulka Puntland falkaasi” ayuu yiri Warsame.

Wasiirka ayaa sidoo kale digniin u diray hay’adaha gobolka ee ku lugta leh muranka dhulka, isagoo kula dar daarmay in ay ka fogaadaan fal kasta oo keeni kara dhibaato amni.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in SSC-Khaatumo ay diyaar u tahay inay dhulkeeda iyo dadka deegaanka ka difaacdo duulaanka gardarada ah.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay qorsheynayso inay mashaariic uu Jarmalku maal-gelinayo oo ay fulinayso hay’adda UNICEF, lagana fulinayo deegaannada Sool iyo Cayn—dhulka SSC-Khaatumo ay sheegato inay iyadu leedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.