SSC oo go’aan ka qaadatay doorashada Puntland

SSC oo go’aan ka qaadatay doorashada Puntland

Laascaanood (Raxanreeb) — Garaad Jaamac Garaad Cali, oo kamd ah, Isimada Dhaqanka maamulka cusub ee SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland.

Garaadka ayaa meesha ka saaray walaaca xooggan ee shacabka SSC ay ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay hadda yeesheen maamul cusub oo goonni ah.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in qaddiyadda SSC Khaatumo marnaba ay gorgortan ka geli doonin ayna meel kale looga talin doonin bulshada SSC khaatumo.

Sidoo kale wuxuu sheegay halganka loo galay nabadda SSC uu ka billowday Laascaanood islamarkaana ay ku dhinteen dad gaaraya 700 oo qof.

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray maamulkaasi meel cad buu yaallaa meel lagasoo cesho ma ay jirto, 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin” ayuu yuri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac, ayaa beeniyay in ay jiraan dad doonaya in ay ku matalaan SSC, xildhibaannada maamulka Puntlandoo dhowaan doorasho geli doona.

Hadalka Garaad Jaamac, ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegayay in Garaaddada SSC, ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd dowlad goboleedka Puntland.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socoto xulista doorashada xildbibaannada Puntland, iyo diiwaangelinta.

Hasa yeeshee, arrinta ayaa aad uga sii dareysa Puntland xaaladdeeda oo haatan faro badan aan ku taagneen taasoo oo uu ka jiro is qabqabsi dhanka doorashada ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, ayaa la kulmaya cadaadis iyo xulafo ka dhan ah, dhanka mucaaradka walow uu damaciisu uu yahay weli sii joogga kursiga madaxweyaha Puntland.