Sucuudiga oo war ka soo saaray maalinta ciidda

Sucuudiga oo war ka soo saaray maalinta ciidda

Riyad (Raxanreeb) — Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday dadka deegaanka inay soo sheegaan aragtida dayaxa oo ay la socodsiiyaan maamullada ay kala leeyihiin.

Aragtida waxa lagu samayn karaa isha qaawan ama iyadoo la isticmaalayo binoculars, ka dib mar aaad aragto waa in la ogeysiiyaa maxkamada ama xarunta kuugu dhow.

Ramadaanka 2024 waxa uu bilaabmay March 11, wakhtigaas oo muslimiintu ka fogaadaan wax cunista iyo cabbitaanka qorrax ka soo baxa ilaa qorrax dhaca.

Diinta Islaamku waxay raacdaa jadwalka dayaxa oo ka kooban 12 bilood sanadkii 354 ama 355 maalmood.

Ramadaanku waxa uu ku beegan yahay bisha sagaalaad ee jadwalka taariikhda Islaamka, waxaana Ciidul Fidriga ay ku beegan tahay dhammaadka Ramadaan.