Suudaan oo lagu sheegay halka carruurta ugu badan ay ku barakaceen caalamka

Suudaan oo lagu sheegay halka carruurta ugu badan ay ku barakaceen caalamka

Khartuum (Raxanreeb) — Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ayaa sheegtay in Suudaan ay ku nool yihiin carruurta ugu badan oo barakacayaal ah caalamka, isla markaana aysan jirin wax carruur ah oo aadi karta iskuullo.

Catherine Russell oo ka tirsan UNICEF ayaa BBC-da u sheegtay ka hor booqasho ay ku tagtay dalkaasi in ku dhawaad ​​afar milyan oo carruur ah ay soo wajahday nafaqo darro ba’an, sagaal milyanna aysan helin wax ku filan oo ay cunaan.

Waxay sheegtay in ay jiraan caqabado haysata UNICEF iyo hay’adaha marka ay timaaddo gacan siinta carruurtaan.

Suudaan waxaa ka socda dagaal sokeeye oo u dhaxeeya milatariga iyo ciidamada RSF, waxaana ku barakacay malaayiin dad ah, halka kuwa kalena ay ku dhinteen.