Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ee magacaabista Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, in uu noqdo Yaasiin Maxamuud Cibaar.
Kulanka golaha oo uu Shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu kala diray Guddigii hore ee Rugta Ganacsiga waxaanna uu Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah diyaarin doonaa habraaca doorashada iyo dhisidda guddiga cusub muddo labo sano ah.
Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiisyo iyo habraacyo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo ay golaha usoo gudbiyeen Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran waxa ayna kala yihiin.
Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay danjirnimada Cabdifitaax Maxamed Ibraahim sidoo kale waxaa darajada Safiirnimo loo dallacsiiyey Shaafi Nuur Calas Faarax.
Ugu dambeyn golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, oo soo bandhigtay amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply