Miami ( Raxanreeb Online) Xulka Argentina ayaa iska xaadiriyay wareegga afar dhammaadka ee Koobka Adduunka, kaddib markii uu saddex gool iyo hal kaga adkaatay xulka Switzerland.
Sidoo kale xulka Ingiriiska oo sanadkan wacdaro dhigay ayaa isna gaaray wareegga afar dhammaadka ee Koobka Adduunka, kaddib markii uu labo gool iyo hal kaga adkaaday xulka Norway.
Ingiriiska iyo Argentina oo difaacanaysa tartankan waxay wada ciyaari doonaan kulanka afar dhammaadka, halka Faransiiska iyo Spain oo hore u soo baxay ay is wajihi doonaan.
Kulamada afar dhammaadka Koobka Adduunka waxaa la ciyaari doonaa 14 iyo 15 bishan, halka ciyaarta kama dambaysta ah (Final) la ciyaari doono 19-ka bishan July.

Leave a Reply