Ciidanka amniga Baladweyne oo gacanta ku dhigay xubin katirsan kooxda AS, oo dil ka geystay magaalada

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xubno katirsan Al-shabaab, oo weerar dil ah xalay ka geystay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla xaafada Nuur-xawaad ee magaalada Baladweyne. Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in ay goobta ku dileen askari katirsan ciidanka dowladda.

Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in labada nin ee hubeysnaa ay isku dayeen in ay goobta isaga baxsadaan, balse ciidamada ay goobta ku toogteen hal gacan ku dhiigle, halka midkii kalana ay gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha amniga magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan weerarka ay xubnaha Al-shabaab geysteen, isla markaana doonayeen in ay goobta isaga baxsadaan.

Sikastaba, maalmihii dambe amniga magaalada Baladweyne ayaa la sheegay inuu sii xumaanayay, kaddib markii ay joogsadeen howlgalladii ay ciidamada ammaanka ka sameeyn jireen deegaanada hoos-yimaada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.