Bulshaawi oo lagu beegsaday goob la isaga duubo TikTok.

Bulshaawi oo lagu beegsaday goob la isaga duubo TikTok.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday Bilaal Bulshaawi oo si aad ah looga yaqaano barta TikTok-ga isagoo la magac baxay Madaxwaynaha TikTok.

Sida RBC uu ogaaday beegsadan ayaa ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taalla degmada Hodan si gaar ah Isgoyska Banaadir , halkaas oo badanaa dhallinyaradu ay ku duubto muuqaalada ay dhigaan TikTok.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa inta badan waxa yimaada dhallinyarada TikTok-ga adeegsada , waxaana ku yaala waddo ay aad u yimaadaan dhallinyarada doonaysa muuqaalada.

waxaa wadadan ku dhaw goobo ganacsi oo aad loo camiray, waxaana dhaawaca wiilkan dhallinyarada ah loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho , gaar ahaan Digfeer.

Xaalada Wiilkan dhallinyarada ah ayaa soo hagaagaysa sida ay ku warameen dhaqaatiirta la tacaalaysa.

Maamulka Degmada Hodan wali kama uusan hadal toogashada sidoo kale laamaha amniga wax war ah ma aysan ka soo saarin

Leave a Reply

Your email address will not be published.