Ukraine oo fashilisay weerraro cirka ah iyadoo ay soo rideen 15 gantaal

Kyiv (Raxanreeb) — Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in difaaca cirka ay soo rideen 15 gantaal oo ah nooca loo yaqaano Cruise-ga ee Ruushka, kuwaas oo xalay la doonayay in lagu garaaco magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, sida uu sheegay Serhiy Popko, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Kyiv.

Waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay in gantaalladaasi laga soo tuuray afar diyaaradood oo kuwa wax duqeeya ah islamrkaana kasoo duulay gobolka badda ee Caspian.

Sida laga soo xigtay Ukraine, Ruushku wuxuu qaaday weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka habeenkii Axadda.

Weeraradan cusub ee gantaalada ayaa yimid saacado ka hor inta aan Ruushka loo dabaal degin maalinta guusha, taas oo lagu xusayey jabkii Naasigii Jarmalka 1945-kii.

Qaraxyo is xigxigay iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ayaa ruxay Ruushka toddobaadkii la soo dhaafay oo ay ku jiraan weerar la sheegay in ay ku fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Kremlin-ka.

Moscow waxay ku eedaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine hase yeeshee Kyiv ayaa diidday inay wax lug ah ku leedahay.