Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay go’doonka magaalada Baydhabo

Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay go’doonka magaalada Baydhabo

Muqdisho (Raxanreeb) — Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban ka soo saaray go’doon ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Agaasime Xuseen ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo shacabka magaalada Baydhaba oo go’doon adag kala kulmaya kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee go’doominta arxan darada ah ay ku hayaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Agaasime Xuseen Sheekh.

Wuxuu sheegay in kooxdaas ay dagaal ba’an kula jirto shacabka Soomaaliyeed, “waxay tani marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay DFS ay kooxdaasi ku dabar go’i doonto,” ayuu yiri.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa twitterka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dedejineyso dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka, taas oo sahli doonta in laga dul-qaado dadka ay ku go’doomiyeen gobollada dalka.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacab weynaha dalkeena in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaan, DFS waxay xaqiijinaysaa dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo kuwa ku hoos jira arxan daradooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu soo ifbaxay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, waxaana la sheegay inay u wareejiyeen go’doonkii ay 15-ka sano ku hayeen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Kooxdaan ayaa looga adkaaday dagaaladii ay dowladda iyo shacabka kula galeen gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, waxayna u wareegeen dhanka gobollada Bay, Bakool iyo Jubooyinka.