Waddooyin u xirmay dil ka dhacay Beledwayne oo dib u furmay

Waddooyin u xirmay dil ka dhacay Beledwayne oo dib u furmay

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka RBC caawa uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dib loo furay waddooyin xirmay dil halkaas ka dhacay maanta oo Jimaca ah.

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa lagu soo waramayaa in xaafada Howl-wadaag uu ku dlay mid ka mid ah waddayaasha gadiidka taas oo ka dhalatay cara -xooggan.

Goobjoogayaal ayaa RBC u sheegay in darawalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Faarax Shiiraar u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dhowr xabadooda oo uu ku dhuftay Askariga, kaasi oo ay ku murmeen lacag.

Waddayaasha gadiidka iyo dad shacab ah ayaa xirtay waddooyinka qaar ee xaafadaha magaalada Beledwayne kuwaas oo dalbanayay in cadaalad uu helo wadaha gadiidka ee la toogtay.

Odayaasha dhaqanka magaalada Belewayne oo bilaabay waan-waan ayaa la xaqiijiyay in dadka ay ogolaadeen in ay furaan waddooyinka xaafada Hawl-wadaag ee magaalada Beledwayne.

Caawa xaaladu waa ay degan tahay waxaana dib u furmay waddooyinka xirnaa waxayna dadka aad u hadal hayaan dilka wadaha gadiidka.

Maamulka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan wali wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin dilkan iyo rabashadaha daba socday ee ka dhacay maanta magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.