DFS talaabada ay qaaday ka dib dilkii Abuukaate Warsame

DFS talaabada ay qaaday ka dib dilkii  Abuukaate Warsame

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday howlgalo ay ku doonayaan ay ku ogaadaan dil magaalada Muqdisho loogu gaystay mid ka mid ah Qareenada ka howlgala magaalada Muqdisho.

AUN Abuukaate Maxamed Warsame ayaa ahaa garyaqaan maxkamadaha dalka ka difaaci jiray eedeysanayaasha, dilka ayaa waxaa geystay dabley hubeyan kuwaas oo la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen dilka ka dib.

Warar RBC u helay ayaa sheegay in laamaha aniga lagu amaray in baaritaan deg deg ah ay ku sameeyeen sida uu u dhacay dilka Abukaataha oo ka dhacay maanta oo Jimca ah.

Magaalada Muqdisho ayaa dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxa ka dhacay dilal kala duwan oo qaarkood loo gaystay masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo dilkan uu ka dhacay ayaa meelaha qaar ciidanka waxa ay ka soo qabten tuhmanayaal sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal oo aan la – hadalnay.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan faahfaahin dilkan iyo cida ka danbaysay .

AUN Abuukaate Maxamed Warsame Waxaa uu wax ku soo bartay dalka Yeman oo in mudda ah oo ku noolaa , ka dibna dalka ayuu dib ugu soo laatay , dad yaqaana waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin si wanaagsan u bartay xirfadda qareenimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.