Muqdisho (Raxanreeb) — Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo uu horkacayo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga, Niyazi Acar.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa garoonka Aadan Cadde Airport, kusoo dhoweeyay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud.
Soo dhoweeynta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Alper Aktaş, iyo diblumaasiyiinta Safaaraddaasi.
Niyazi Acar, ku-xigernka ayaa wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, uga mahad-celiyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.
Labadan wasiir ayaa yeeshay kulamo ku saabsan arrimo dhowr ah, kulankooda iyadoona xoogga lagu saaray arrimaha caddaaladda iyo xiriirka garsoorka ee labada dal.
“Hoggaanka labada dhinac ayaa isku raacay ahmiyadda adeegga caddaaladdu u leeyahay muwaadiniinta iyo halka uu kaga jiro dowladnimada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.
Booqashadan wafdigan, ayaa imaaneysa kadib safarro shaqo oo uu hore Xasan Macallin, ku tagay dalka Turkiga. Iyada oo wafdigaan dalka ku yimid casuumaad uu wasiirka u fidiyay.
Shalay ayay aheyd markii uu Muqdisho ay soo gaareen madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Turkiga Ibraahim Kalin, oo isla shalay la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya saaxiibo dhow la’ah, isagoona ka taageera arrimaha binia’aadannimada dhanka ciidanka millayaraiga iyo saadka ciidanka tababarrada sidoo kalena howlgallada ka dhanka ah, Al-Shabaab ee dhanka cirka ah.