Wasaaradda arrimaha gudaha ee XFS oo ku baaqday in la joojiyo coloolad beeleedka ka taagana G/Hiiraan

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimaha gudah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay baaq ku aadan dagaal beeleedka ka soconaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka hubeysan in ay si shuruud la’aan ah ku soo afjaraan colaada u dhaxeeysa ee sababtay dhimashada, dhaawaca, barakaca, khasaaraha hanti iyo cabsi la xiriirta aanada.

Sidoo kale wasaaradda ayaa farriin u dirtay cid walbo oo gacan ka geysan karta xal u helida dagaaladaasi, in ay kaalintooda ka qataan si looga hortagi lahaa in khasaaraha uu intaas ku sii bato, loona soo af jari lahaa dagaalka u dhaxeeya labada beelood ee walaaha ah.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadda, adkaynta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee XFS.

Hoos ka akhriso qoraalka war-saxaafadeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.