Muqdisho (Raxanreeb) — Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa digniin ay soo saartay uga digtay Bulshada Soomaaliyeed adeegsiga laba sharoobood kuwaas oo loo adeegsada xanuunnada ku dhaca Neefmareenka.
Sharoobooyinka ay ka digtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup kuwaas oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri sida tan: Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayada oo laga duulayo masu’uliyada Wasaaradda kasaaran ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena wax aay ogeysiinaysaa qodobada hoose.
- In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
- In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
- Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.
Leave a Reply