Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya iska hor imaad khasaaro geystay oo ka dhacay aagga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho.
Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda ayaa ku dhintaykadib is-rasaaseyn kooban oo goordhow ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha.
Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii uu murun soo kala dhex galay ciidamo millitari ah oo la socday xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo kuwa Nabad Sugidda ee ku sugan koontaroolka Madiino gate kuwaasi oo isku dayay in celiyeen ciidankii la socday xildhibaanka oo ka yimid dhanka Dan-wadaagta ee degmada Wadajir, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda.
Sarkaalka dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Carabeey, iyada oo wararka ay sheegayaan in la kala dhex galay labada Ciidanka ee is-rasaaseyntu dhexmartay.
Leave a Reply